Taliska ciidanka booliska soomaaliyeed ayaa soo saaray ogaysiin bulshada kunool muqdisho iyo hareeraheeda.
Warka kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in maanta kadib aan la ogolaan doonin gaadiid aan taariko lahayn oo maraya wadooyinka caasimaada.
“Fadlan muwaadin kala shaqeey hay,adaha amniga sidii loo sugi lahaa amniga caasimada oo gaariga ku xiro taariko si loo garto sumadiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska soomaaliyeed.
Arrintaan ayaa looga gol leeyahay sugida amniga caasimada iyadoo magaalada ay dhex sodaan gaadiid badan oo aan taargo ama summad wadan.