Afhayeenka ciidanka isra,el,daneil hagari ayaa si layaab leh u qirtay inaysan suuragal ahayn israa,iil inay burburiso oo ay meesha ka saarto xamaas.
Wuxuu sheegay hadalkaan waraysi uu siiyay telefiishinka israa,ii lee channel 13”Xamaas waa fikrad,mana dhimato fikrada,waxayna kujiraan quluubta falastiiniyiinta wayna nagu adag tahay in aan Meesha ka saarno”ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray”Marna masoo celin karno dhamaan dadka la afduubtay anagoo adeegsanayna qaab ciidan,qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sareeya marna ma aamusi karno.
Hadalkan markiiba wuxuu gilgilay israa,iil iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya”Burburinta xamaas waa hadafka dagaalka,ciidamada israa,iilna waxaa ka go,an inay gaaraan hadafkan” ayuu yiri.
Wargaysyada iyo tilifishinada israa,iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaanada kore ee wararkooda soo shaac bixinta qilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu,tan oo sare u qaadaysa doodad israa,iiliyiinta gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheeraynayo si indho la,aan ah,sababo u gaar ahoo ku doonayo in kursiga kusii joogo.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo falanqeeyaasha israa,iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay si cad u muuqanayso inuusan jirin qorshe ay israa,iil ku guulaysan karto,hadalka afhayeenka militariga ayay ku sheegeen in uu soo dedejinaayo ciidanka iyo dadwaynaha inay ka daalaan dagaalka aan lahayn wax qorshe ah.