Madaxwaynaha turkiga iyo raysalwasaaraha itoobiya ayaa yeeshay wadahadal tilifoon oo ay uga hadleen xeriirka labadaas dal iyo kiiska u dhaxeeya addis ababa iyo muqdisho.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada turkiga,itoobiyaa ayaa aqbashay inay ka fogaato dhamaan ficilo kasto oo dhaawacata madax banaanida dhuleed ee jamhuuriyada soomaaliya.
Erdogan ayaa uga mahad celiyay talaabadaas itoobiya oo uu sheegay inay soomaaliya rajo gelinayaa.
Hadii ay arintaan xaqiiqo noqoto waxay ka dhigan tahay in addis ababa ay si cad uga laabatay damaceecii badda iyo heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Xeriirkan tilifoonka ahaa ayaa kusoo aadata xili labada dal ay wareeg labbaad oo wadahadalo ah ku yeelanayaan turkiga kaasi oo ka furmaya magaaladda Ankara 12-ka bishaan oo ku beegan isniinta soo socota.
Wasiirka arimaga dibadda iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u kicitimay turkiga si ay uga qayb galaan wadahadalada kala dhaxeeta itoobiya.