Dowladda itoobiya ayaa sheegtay in ay muhiim u aragto in ay hesho badda cas si ay u adeegsato,maadaama aysan haysan wax bad ah.
Waxaa ay sheegtay in ay ka digayso itoobiya in laga hor yimaado damaceeda helida badda cas.
Intaas waxaa ay ku dartay dowladda itoobiya in cid kaste oo ka hortimaado rabitaankeeda ay u aragto,arrin khatar ku ah’amniga qaranka”.
Hadalkaan waxaa warbaahinta warbaahinta u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda itoobiya,jacfar bedru.
“Itoobiya waxay qayb ka tahay badda cas waxayna si istiraatijiyadeed kutiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga aduunka,”ayuu yiri markale jacfar bedru
Itoobiya ayaa doonaysa in ay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas,kadib heshiis ay lagashay soomaaliland,bishii koowaad ee sanadkaan,kaa oo aan dhaqan gelin.