Xubno wafti ah oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda dalka turkiga hakan fidan ayaa ka degay magaaladda addis ababa ee dalka itoobiya.
Ujeedka waftigaan ayaa sida xogaha la helayo ay sheegayaan sii socodsiinta wadahadalada dowaldda soomaaliya iyo maamulka abiy axmed oo qilaafkooda uu gaaray meel aad u fog.
Waxaa ay wada hadaladaan daba socdaan shirkii turkiga ee fashilmay ee ahaa dhex dhexaadinta oo u dhaxeeyay labadda dal ee soomaaliya iyo Ethiopia.
Dalalka soomaaliya iyo itoobiya ayaa horay kulan ugu dhexmaray dalka turkiga kaas oo looga hadlay xadgudubkii itoobiya kusamaysay madax banaanida soomaaliya.
Soomaaliya iyo itoobiya ayaa xeriirkooda xumaaday markii itoobiya heshiis beenad la gashay maamulka soomaaliland.