Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed qasaare gaystay oo shalay ka dhacay xaafado katirsan degmadda qoryooley ee gobolka shabeelaha hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa gudaha magaalada qoryooley ku dhex maray labbo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga,kuwaas oo horay ugu wada dagaalamay gudaha degmadaasi iyo deegaano hoostaga.
Beelaha dirirtu ku dhex martay qoryooley oo kala ah garre iyo jiide ayaa colaada u dhaxaysa waxay ka bilaabatay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo dhowaan ka dhacay gudaha degmadaas kadib markii lagu dilay afar ruux oo labada beelood kasoo kala jeeday.
Warar hordhac ah ee kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaal beeleedkan ayaa sheegay in ilaa seddex ruux oo labada dhinac ah ay ku dhinteen,isla markaana uu jiro dhaawac intaas ka badan.
Dagaalkaan ayaa si wayn u saameeyay dhamaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadwaynaha ee magaaladaas waxaa weli la dareemayaa xaalad kacsanaan ah,maadama maleeshiyaadkii dagaalamay aysan weli ka fogayn goobihii ay ku dagaalameen.