Ugu yaraan seddex kamid ah maleeshiyada kooxda alshabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo,kadib markii mooto ay qarax ku wadeen la qaraxday.
Dhacdadaan ayaa dhacday shalay abaare saacadu markay ahayd 04:00 pm ee galabnimo,waxaana saraakiisha amaanka ee degmadda b/xaawo u sheegeen warbaahinta in xubnaha kooxda ee dhintay ay qorshaynayeen in ay walxaha qarxa geliyaan degmadaas.