Degmadda doolow ee Gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ciidamo ilaalo u ah gudoomiyaha gobolka gedo cabdulaahi cabdi jaamac shimbir iyo hub ay wateen oo laga dhoofin rabo garoonka diyaaradaha ee degmadaas.
Gudoomiyaha degmadaas maxamed xuseen cabdi lafeey ayaa raba in uu ciidamda hubka ka qaado si uu u fuliyo amarka madaxtooyada jubbaland.
Abaanduulaha qaybta 43 aad ee ciidamadda xoogga ee gobolka gedo rashiid bohol ayaa rabo in halkaasi uu ka dhoofiyo ciidamadda iyo hubka.
Muranka labadda masuul ayaa ku dhawaaday gacan ka hadal in uu dhaco.
Odoyaasha deegaanka ayaa gudoomiye lafeey ku cadaadinayo in uu ka hor leexdo hubka iyo ciidamadda iyadoo la ilaalinayo xasiloonida deegaanka.
Maalmo ka hora ayay ahayd markii sidaan oo kale u dhacday,kadib markii saraakiil ciidamadda dowladda federaalka ah garoonka degmadda doolow lagu qabtay ugu danbayna heshiis dheer dib loogu celiyay muqdisho.
Horey ayaa sidaan oo kale u dhacday maalmo ka hor, ka dib markii saraakill ciidamada Dowladda ah garoonka Dolow lagu qabtay ugu danbeyna heeshiis dheer lagu celiyay Muqdisho.