Duqaymo culus oo xalay lagu garaacay fariisimo ay kooxda daacish ku lahaayeen deegaanka sheebaab ee buuraha calmiskaad ayaa la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada daacish.
War saakay kasoo baxay taliska ciidamadda difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqaynta xalay lagu gubay warshadii qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay kooxda ISI waxaa ayna taliska sheegeen in duqaynta qasaaro badan kasoo gaartay warshadda daacish iyo raggii halkaasi joogay.
“Duqaynta xalay ee howlgalka oo laga fuliyay deegaanka sheebaab ee calmiskaad waxaa lagu gubay warashadii argagixisada daacish qaraxyada iyo biraha gawaarida ku samayn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada difaaca Puntland.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqaynta xalat ka dhacday deegaanka sheebaab lagu dilay saraakiil iyo xubno kale oo katirsanaa kooxda daacisg kuwaa oo xiliga weerarka dhacayay ku sugnaa halkaasi.
Duqaymo culus ayaa mararka qaar lagu garaacaa buuraha ay ku suganyihiin maleeshiyaadka kooxda daacish waxaana duqaymahaasi puntlan ka taageera dowladda maraykanka iyo sidoo kale imaaraadka carabta halka ciidamada Puntland howlgal dhinaca dhulka ah wadaan.