Degmadda ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo deegaanadda miyiga ah ee hoosyimaada degmadaas waxaa kajirto xaalado bini,aadanimo o oculus,haba ugu darnaatee biyo la,aanta kajirto deegaanada miyiga ah ee hoostaga degmadda ceelwaaq.
Gudaha degmaddaas waxaa istaagay dhaqdhaqaaqa hay,adaha samafalka marka laga reebo kuwa caafimaadka.
Duleedka degmadaas waxaa daadsan boqolaal qoys oo aan haysan hooy,cuno iyo biyo ku filan intuba,kuwaas oo inta badan ah dadka miyiga ka yimid e naftooda kala soo cararay oonka iyo gaajada ka jirta deegaanada ay kasoo barakaceen.
Waxaa la siyaasadeeyay gargaarkii qaar kamid ah hay,adaha ugu dhaqdhaqaaqa badnaa ee degmadaas,waxaana jirin ka warqabka bulshada ee xaaladooda noolaleed iyo inaan loo hadlin dadka masaakiinta ee xaaladooda liidato isla markaana u baahan gargaar iyo gurmad wax ku ool ah.
Ku dhawaad labbo sano bulshada ku nool degmadda ceelwaaq iyo deegaanada hoosyimaado ma jirto wax gargaar bani,aadanimo oo laga fuliyay iyada oo ay xusid mudan tahay dhibaatadii ka dhalatay fatahaadii dayrtii Elnino oo sanad iyo bilooyin ka hor degmadda ceelwaaq ka gaysatay dhibaatooyin naf iyo maalba leh.
Majiro masuul u damqanaya ama ka naxaya dadka masaakiinta ah,deegaanka dhibaataysan iyo xaaladaha bani,aadanimo ee kajira degmadda ceelwaaq iyo deegaanada hoosyimaada,waxaa taasi bulshada usii dheer dilka,dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee ay wajahayaan shacabka ceelwaaq.
Soomaaliya inteeda kale waxaa ka socda gurmada iyo gargaarka hay,adaha dowladda iyo kuwa samafalayaasha,balse degmadda ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga majirto cid qorshahaba ku darsatau,hadii uu ahaan lahaa maamul goboleed iyo dowlada dhexe.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda degmadaas ayaan lahayn saamayn dhan kasta ah taas oo mar waliba ah dhibaatada haysata bulshada degmadda ceelwaaq.
Odoyaasha,culimada,waxgaradka iyo dadka muxsiniinta ah ayaa looga baahanyahay in ay doorkooda qaataan oo ay u istaagaan in ay ka hadlaan dhibaatada bani,aadanimo ee kajirto degmadda ceelwaaq iyo deegaanada hoosyimaada.