Wararka aanu ka helaynayo degmadda b/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu isku dilay wiil dhalinyaro ah oo aad looga yaqaniinay degmadaas gaar ahaan xaafada buurka ee golan hayd.
Wiilka dhalinyarada ah ee is dilay ayaa lagu magacaabaa maxamed cabdifitaax shiiq waxaana la sheegay caro uu ka qaaday aabihiis isaga dhalay oo ka qaatay tilifoon Iphone ah iyo kipande (sharciga Kenya) in uu ka xareestay sharciga kadibna in uu isla dhacay tooreey ama mindi sidaasna uu u geeriyooday,waxaana aabihiis uu doonayay in uusan ka tagin oo la gado dukaanka.
Wiilkaan ayaa gadi jiray dukaan mac-macaanka lagu iibiyo oo uu leeyahay aabihiis kaas oo kuyaala isgoyska bacaadlihii hore ee degmadda b/xaawo.