Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada jubbaland ayaa lagu sheegay in dhamaan shirkadaha bixiya adeegga duulimaadyada looga fadhiyo in ay qaataan amarka wasaaradda ayna la shaqeeyaan maareeyaasha loo igmaday garoomada jubbaland.
Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu amray in ayasan duulimaad samayn karin iyaga oo aan fasax ka haysan jubbaland.
Gudoomiyeyaasha degmooyinka jubbaland ayaa iyagana looga digay inaysan fasaxi karin diyaaradaha ayna la shaqeeyaan maareyeyaasha jubbaland.
Diyaaradaha ayaa lagu sheegay in tilaabo adag ay ka qaadi doonto jubbaland markale haddii ay jabiyaan amarka jubbaland isla markaana laga mamnuuci doono inay deegaanadeeda tagaan.
Arrintaan ayaa ka dhigan in jubbaland ay biyo diidantahay ciidamada weli lagu gurayo deegaanadeeda ee muqdisho laga soo daabulayo.