Ciidamo militari ah oo lagu qiyaasay 10,000 oo askari oo u dhashay waqooyiga kuuriya ayaa loo diray dalka ruushka si ay tababar ugu soo qaataan,sidoo kalena ciidamada ruushka gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine sida ay shaacisay wasaarada difaaca maraykanka ee pentagon.
Wasaaradda difaaca maraykanka ayaa ku dhawaaqdau in tirade askarta u dhalatay kuuriyada waqooyi ee loo diray ruushka ay sii kordheen waxaa ayna xustay in talaabadaan kor u qaadayso cabsida laga qabo in dagaalka ruushka ka wado Ukraine sii balaarto ayna ka qayb noqdaan ciidamada kuuriyada waqooyi.
Afhayeenka pentagon sabrina singh ayaa sheegtay in qaar kamid ah ciidamada kuuriyada waqooyi ee loo daabulay bariga ruushka garaa ahaan xadka Ukraine si ay tababar ugu qaataan markii hore lagu qiyaasay ilaa 3 kun oo askari balse hadda tiradaasi kasii bateen.
“Qayb kamid ah askartaas ayaa mar horeba usoo dhawaaday Ukraine waxaana aad uga walaacsanahay in ruushka uu doonayo inuu askartaan u isticmaalo dagaalka ama inuu taageero howlgaladda dagaalka ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Kursk ee ruushka ee u dhow xadka Ukraine.”Singh ayaa u sheegtay suxufiyiinta.
Madaxwaynaha kuuriyada koonfureed yoon suk-yeol ayaa isna sheegay in ciidamada kuuriyada waqooyi ee la geeyay ruushka ay halis ku yihiin amniga qaranka dalkiisa iyo beesha caalamkaba waxaana uu ku tilmaamay iskaashiga militari ee u dhaxeeya ruushka iyo kuuriyada waqooyi mid sharci daro ah.
Dhinaca kale xoghayaha guud ee NATO mark rutte ayaa horaantii isniintii sheegay in ciidamo u dirista kuuriyada waqooyi ee dalka ruushka ay ka dhigan tahay “kor u kac wayn” oo ku saabsan colaadda Ukraine iyo balaarinta qatarta ah ee dagaalka Ruushka.
“Iskaashiga militari ee qotoda dheer ee u dhaxeeya ruushka iyo waqooyiga kuuriya waxay Qatar ku yihiin amniga indo-pacific iyo Euro-atlantic labadaba,”Rutte ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib wadahadal uu la yeeshay wafdi kasoda kuuriyada Koonfureed.
Sarkaal katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee kuuriyada waqooyi ma uusan xaqiijin wararka ay warbaahinta qortay ee kusaabsan in ciidamo loo diray ruushka,balse wuxuu sheegay in haddii Pyongyang ay tilaabadaasi qaaddo uu aaminsanyahay in ay la jaanqaadi doonto xeerarka caalamiga ah.
Dowladda ruushka ayaa markii hore meesha ka saartay wararka ku saabsan ku lug lahaanshaha kuuriyada waqooyi ee dagaalka ay kula jirto Ukraine.Laakiin madaxwaynaha ruushka Vladimir Putin ma uusan beenin in ciidamada kuuriyada waqooyi ay ku suganyihiin ruushka,wuxuuna sheegau in ay tahay arrin gudaha ah oo kusaabsan sida uu u hirgeliyay heshiis kasta oo iskaashi oo lala galo Pyongyang.
Wasiirka arimaha dibadda ee ruushka Sergey Lavrov ayaa iska fogeeyay hadalka Rutte isniintii wuxuuna xusay in Pyongyang iyo mosow ay saxiixeen heshiis amni oo wadajir ah bishii June ee lasoo dhaafay.
Lavrov waxaa kale oo uu sheegay in macalimiin militari oo reer galbeed ah muddo dheer si qarsoodi ah loogu daabulayay Ukraine si ay uga caawiyaan ciidankeeda adeegsiga hubka riddada dheer ee ay bixiyaan saaxiibada reer galbeedka.