Lt Gen Igor Kirillov oo ah sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada qalabka sida ee ruushka ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaaladda Moscow ee caasimada wadanka ruushka .
Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee ruushka ee loo soo gaabiyo NBC waxaan sidoo kale lagu soo waramayaa in qaraxaan lagu dilay ku xigeenkiisa.
Igor Kirillov ayaa dhintay kadib markii uu qarax bam lagu soo xiray mooto xili uu talaadadii maanta uu ka baxayay gurigiisa.
Isniintii,Ukraine ayaa Kirillov kusoo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee hore looga mamnuucay Ukraine,waxayna ku eedaysay inuu gaystay dambi dagaal.
Ingiriiska iyo wadamo kale ayaa hore Kirillov ugu soo rogay cunaqabatay sababo la xeriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee ruushka.
Waxaa xogo laga helay qalabkii qarxay ee uu ku dhibtay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamadda ilaalada hubka nukliyeerka ruushka.
Qalabka loo adeegsaday dilka jeneraal kirilov ayaa lagu sheegay in uu yahay qalab rumuudka lagu hago sida ay sheegtay wakaaladda wararka ruushka ee Tass.
Dhanka kale dowladda Ukraine ayaa sheegatay masuuliyada dilka maanta magaaladda Moscow loogu gaystay Lt Gen Kirrilov oo ahaa hogaamiyihii ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ruushka waxaana sarkaalkan lagu dilay qarax la dhigay gurigiisa hortiisa.
Saraakiil katirsan laamaha amniga dowladda Ukraine oo si hoose ula hadlay qaar kamid ah wakaaladaha wararka caalamka ugu afka dheer ayaa sheegay in dowladda Ukraine ka dambaysay qaraxa maanta lagu dilay taliyahaan saree e katirsanaa ciidamada ruushka.
Dowladda ruushka ayaa si kulul u cambaaraysay falkan maanta lagu dilay taliyahan katirsanaa ciidanka qalabka sida ee ruushka waxaa ayna ruushka falkan ku tilmaameen mid argagixiso oo lagu ciqaabo doono cidii ka dambaysay.
Dmitry Medvedev oo ah gudoomiye kuxigeebka golaha amaanka ee ruushka ayaa sheegay in hoggaanka Ukraine uu wajihi doono aargoosi degdeg ah oo ku saabsan dilka Kirillov sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee RIA.
“Iyadoo la ogaanayo in aysan ka fursanayn guul darada militari ee Ukraine waxa ay weeraro fulaynimo ah oo fool xun ku qaaday magaalooyin nabdoon mana hurayso in ay la kulmaan ciqaabta dilkii ay maanta gaysteen” ayuu yiri Medvedev.
Sirdoonka dalka Ukraine ayay u suurto gashay in qarax ku dilaan taliyahaan sare ee katirsanaa ciidamadda ruushka,madaxna u ahaa ciidamada ilaalada ee hubka Nukliyeerka waxaana dilkaan fashil ku noqday sirdoonka iyo laamaha ammaanka ruushka.