Taliyaha guutadda 10 aad qaybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Gedo gaashaanle dhexe aadan siyaad cabdi,taliyaha nabad sugida Gobolka Gedo jeneraal Jamaal xasan sareey iyo taliyaha booliska ee Gobolka Gedo gaashaanle sare xuseen xaashi giif oo si wadajir ah amar dowladeed loo siiyay ayaa hadda kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee degmadda doolow ee Gobolka Gedo waxaana horay ugu yeertay dowladda federaalka ah ee soomaaliya.
Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in saraakiishaan lasoo faray in gobolka Gedo aysan ka shaqaynin maamulka jubbaland.
Arrintaan ayaa imaanayso kadib markii shalay subax uu yimid degmadda beledxaawo wasiirka amniga ee maamulka jubbaland yuusuf xuseen dhuumaal kaas oo ay jubbaland soo dirtay isla markaana la shiray maamulka degmadaas iyo odoyaasha dhaqanka ee degmadda beled-xaawo.