Golaha wasiirada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista agaasimaha guud ee hay,adda socdaalka iyo jinsiyadda in uu noqdo mustaf sheikh cali dhuxuloow.
Agaasimaha cusub ee hay,adda socdaalka iyo jinsiyidaha soomaaliya ayaa hadda ahaa xildhibaan katirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka,waxaa uu sidoo kale soo noqday marar kala duwan wasiir heer federal ah.
Madaxwaynaha soomaaliya xasan shiiq maxamuud ayaana go,aansaday in kursigaan ku qanciyo beesha murusade oo dowladda federaalka ka waysay xaquuq badan ay ku lahayd.