Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka turkiga kaasoo ay sameeyeen hay,adaha sirdoonka turkiga.
Howlgalkan ayaa lagu qabqabtay shabakad isku xiran oo u shaqaynaayay sirdoonka israa,ii lee Mossad taasoo ka howlgalaysay gudaha turkiga.
Sida lagu qoray wargasyka Daily Sabah,waxaa la qabtay dadka kala ah Hamza Turhan Ayberk,Funda Kadayifcioglu,ercan Kama,Omer Burak Gezer,Ismail Kaya,Mehmet Yetimova iyo Azkan Sahin oo dhamaantood ah muwaadiniin turki ah.
Dhamaan xubnahaan marka laga reebo hal nin waxaa ay wajahayaan xukun 18 sano oo xarig ah hadii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.
Ninka haray oo ah Ozkan oo 45 sano jir ah madaxda u ahaa shabakadaan ayaa lagu xukumi doonaa xabsi daa,in ama madaxaa haku furto.
Maamulka israa,iil ayaa weerar culus oo dhanka sirdoonka ah kusoo qaaday turkiga oo uu u arko kan keliya ee wax ka qaban kara dhibaatada ay kawadaan bariga dhexe gaar ahaan dhulka falastiin.