Waxaa maanta degmadda doolow ee gobolka gedo gaaray wasiiro ka socda maamulka jubbaland oo ay kamid yihiin gudoomiyaha cusub ee gobolka gedo ee dhawaan la magacaabay maxamed xuseen isaaq (alqaadi).
Waftiga waxaa degmadda doolow kusoo dhaweeyay madaxwayne kuxigeenka koowaad ee maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan oo horay ugu sugnaa magaaladaas iyo maamulka degmadda,saraakiisha amniga iyo masuuliyiin kale oo katirsan jubbaland.