Waxaa maanta xeryaha ciidanka daraawiishta ee ku yaala duleedka magaaladda kismaayo gaartay wasiirka wasaaradda haweenka,arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka maamulka jubbaland oo ay wehlinayaan gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee jubbaland iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha jubbaland .
Waftiga ayaa deegaanka buulo gaduud waxaa kusoo dhaweeyay taliyaha ciidamadda daraawiishta jubbaland ee deegaanadda waqooyiga iyaga oo ciidamada gaarsiiyay buskud iyo agabyo kale oo loogu talo galay in ciidamada ay biyaha ku shubtaan xiliyada amniga deegaanadda ay sugayaan.