Wasaarada qorshaynta,maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka jubbaland ayaa soo gabagabaysay kormeer iyo qiimayn wadajir ah oo ay ku samaynaysay mashaariicda SomReP (somali resilience program) oo ah kuwo loogu talo galay in ay adkaysi u abuuraan bulshada nugul eek u nool degmadda doolow ee Gobolka Gedo.
Kormeerkan oo uu hogaaminayay agaasimaha waaxda isku xirka deeqaha ee wasaarada qorshaynta cabdirashiid maxamed xasan ayaa waxaa qayb ka ahaa wasaarada beeraha,xanaanada xoolaha,ganacsiga,biyaha iyo gargaarka ee jubbaland.