Gudoomiyaha maxkamadda sare ee maamulka jubbaland garyaqaan sheekh cabdishakuur sheekh maxamed rashiid oo ay wehlinayaan wasiirka wasaarada cadaaladda iyo arimaha dastuurka jubbaland cabdiwali xuseen jaamac,agaasimaha wasaraadda cabdulaahi cumar xujaale qaanuuni,taliyaha waaxda dami baarista gobolka jubbada hoose cumar xujaale cabdi iyo taliyaha ciidanka asluubta degmadda kismaayo maxamed caaqib xirsi ayaa degmadda kismaayo si rasmi ah uga furay tababar ku saabsan wadahadalka aan xanafta lahayn kaas oo laqabtay bahda cadaalada ee jubbaland.
Tababarkan ayaa socon doono muddo sededex cisho ah waxaana ka faa,iidaysanaya qaybaha kala duwan ee laamaha caadaladda jubbaland.
Ujeedka tababarkani ayaa ah in lagu barto xirfadaha wadahadalka nabdoon si loo xoojiyo habka ay ugu adeegaan bulshada gaar ahaan marka ay la macaamilayaan kiisaska adag ee u baahan xalinta dhibaatooyinka si cadaalad iyo xasilooni leh.