Jubbaland ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegtay degaanka raaskambooni ee Gobolka jubadda hoose oo mudooyinkaan ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka oo laga diray muqdisho.
Ilo madax banaan ayaa warkanews.com u xaqiijiyay in ciidamadda jubbaland ay si buuxda ula wareeheen degaanka raaskambooni.
Arrintaan ayaa timid kadib dagaalo dhowr mar la isku laalaabtay oo ciidamda DF iyo jubbaland ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka raaskambooni kuwaas oo gaystau qasaare labadda dhinac soo kala gaaray oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamadii dowladda federaalka ee joogay raaskambooni ayaa la sheegay inay badankood ka gudbeen xadka soomaaliya la wadaagto Kenya halka qaar kalena ay ku suganyihiin deegaano ay u firxadeen.
War ay soo saartay jubbaland ayay ku sheegtay in ciidamadii dowladda federaalka ee joogay deegaankaas ay noqdeen wax la dilay,wax la dhaawacay iyo qaar noolasha lagu qabtay.