Waxaa maanta deegaanka dii fee hoostaga degmadda dhoobleey ee gobolka jubadda hoose gaaray wafti ka socda maamulka jubbaland.
Wasiirka wasaarada tamarta iyo qayraadka biyaha jubbaland axmed xuseen baraka,wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka jubbaland iyo maamulka degmadda dhoobleey ayaa deegaanka diif ka xarig jaray war biyood ay dhawaan ka hirgalisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha jubbaland.