Taliyaha ciidanka daraawiishta jubbaland ee degmadda afmadoow ee gobolka jubbada hoose kornayl mahad islaam ayaa ku qaabilay xerada taliska daraawiishta jubbaland ee degmadaas saraakiil katirsan howlgalka taageerida iyo xasilinta midowga afrika ee soomaaliya (AUSSOM).
Brief seif saalim rashiid taliyaha qaybta 2 aad ee AUSSOM iyo saraakiil la socotay oo booqasho ku yimid degmadda afmadoow ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka daraawiishta jubbaland ee degmadaas.
Ujeedka kulan dooceedkan ayaa ahaa sidii la isaga wada kaashan lahaa xogaha sirdoon iyo sahanka labadda dhinacba,sidoo kale Brig seif saalim rashiid ayaa ku amaanay shqada adag ay bulshada u hayaan saraakiisha ciidamada daraawiishta degmadda afmadoow isagoona sheegay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.