Shir lagula tashanayo laguna xaqiijinayo hindise sharciyeedka xuquuqda naafada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada haweenka,arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka jubbaland ayaa lagu qabtay deegaanka goobwayn ee waqooyiga magaaladda kismaayo.
Ujeedka kulankan latashiga iyo katalagalinta bulshada ah waxay ahayd in laga dhagaysto aragtidooda ku aadan hindise sharciyeedka si loo hubiyo in uu waafaqsanyahay baahiyaha iyo xuquuqda dadka naafada ah.