Maamulka degmadda baardheere ee Gobolka Gedo iyo saraakiisha laamaha amaanka ee degmadaas oo maanta isugu yimaaday shir looga hadlay xaqiijinta amniga degmadaas ayaa waxaa diirada lagu saaray dardargelinta arimaha amniga degmadda baardheere ayaa masuuliyiinta ka qayb galay kulanka iyo saraakiisha waxaa ay sheegeen mudnaanta ay leedahay xoojinta iyo adkaynta nabad galyada deegaanka.
Masuuliyiinta ka hadlay kulanka waxaa kamid ahaa taliyaha ururka 49 aad guutadda 10 aad qaybta 43 aad ciidanka xoogga ee ku sugan degmadda baardheere cabdulaahi nuur xasan (cadoow).
Ugu dambayn kulanka oo uu soo xiray gudoomiyaha degmadda baardheere ismaaciil shiiq cabdi qorax (koofi) ayaa faray saraakiisha laamaha amaanka ee degmadaas inay xoojiyaan dardargelinta nabadgalyada deegaanka.