Waxaa maanta shir ka dhacay xerada ciidanka Uk ee degmadda beled-xaawo ee gobolka gedo oo shir gudoominayay taliyaha nabad sugida gobolka gedo jeneraal Jamaal xasan sareey ayaa waxaa kasoo qayb galay taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle dhexe aadan siyaad cabdi,taliyaha booliiska gobolka gedo gaashaanle sare xuseen xaashi giif iyo saraakiisha laamaha amniga ee degmada b/xaawo.
Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo adkayn lahaa amniga gobolka qaasatan degmadda b/xaawo si looga hortago maamulka jubbaland oo abaabul ciidan ka wado degmada doolow kuwaas oo xogaha aan helayno ay sheegayaan in ciidamo itoobiyaan ah ay qorshaynayaan in ay degmadda beledxaawo fariisimo ciidan kasamaystaan si ay u taageeraan una soo celiyaan maamulka jubbaland ee meesha ka baxay.
Shirka oo socday ku dhawaad shan saacadood ayaa gabagabadii la amray saraakiisha degmadda inay u diyaar garoobaan xaalad walbo oo amni daro keeni karto isla markaana gacan bir ku qabtaan cid waliba isku dayda amaanka degmadaas in ay qalqal geliso.