Odoyaasha iyo waxgaradka beesha cali dheere (cali maxamed) ee iska leh gudoomiyaha degmadda beledxaawo ee gobolka gedo ayaa maanta qabtay shir jiraa,id kaas oo kaga cabanayeen saraakiisha heer gobol ciidanka dowladda federaalka ee kusugan degmadaas.
Beesha ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan loogu gaystay degmaddaas oo ay kamid tahay in rag u dhashay beeshaas xaninyaha looga qabtay biinso,qaarna rasaas lagu furay oo ay lixaadkooda beeleen.
Arintaan ayaa kusoo aadayso iyadoo maalmahaan uu jiro qilaaf xooggan oo u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo maamulka jubbaland taasi oo maamulkii degmadaas intiisa badnaa ay dowladda federaalka soomaaliya isu dhiibeen,inkastoo gudoomiyihii degmadda cabdicasiis xareed cabdulaahi uu diiday in warbaahinta la hadlo oo uu mowqifkiisa cadeeyo isla markaana uu sheego in uu taabacsanayn maamulka jubbaland.
Waxaa jiro cadaadis xooggan oo ay saraakiisha ciidanka dowladda federaalka ay ku hayaan gudoomiyaha degmadaas waxaana ilaa hada xiran xafiiskii gudoomiyaha mana jirto wax shaqo oo ka socoto.
Ugu danbayn beesha uu ka dhashay gudoomiyaha degmadaas ayaa si cad u sheegtay in aysan u dul qaadan doonin dhibaatada lagu hayo iyagoo sheegay saraakiisha dowlada inay tagi karin maamulada degmooyinka kale ee taabacsan axmed madoobe oo beledxaawo ay iska horkeen qabaa,ilada ah ku mashquulsanyihiin.