Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga kiis uu ku eedaysanyahay muqtaar cabdi aadan (hoobiye) oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada jubbaland isla markaana loo haysto la shaqaynta maleeshiyada kooxda alshabaab.
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka jubbaland Gaashaanle sare cabdulaahi maxamuud ibraahim ayaa furay fadhiga maxkamada isagoo sheegay in dhinacyada dacwada ay u furantahay soo bandhigista dacwadooda ku aadan eeda loo haysto mukhtar cabdi aadan.
Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee jubbaland gaashaanle dhexe ismaaciil cabdi cali ayaa maxkamada ka hor aqriyay kiiska ay ku eedaynayaan muqtaar cabdi aadan (hoobiye) isagoo sheegay in eedaysanaha la shaqaynta maleeshiyada alshabaab uu bilaabay sanadka 2021-kii waxaa uuna u qaabilsanaa gudbinta xogaha ciidamada qalabka sida ee jubbaland sida baarista kiiskaan ay ku ogaadeen xafiiska dambi baarista iyo ciidamada qaaska ah ee jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedaysane muqtaar cabdi aadan.
Intaas kadib gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee jubbaland gaashaanle sare cabdulaahi maxamuud ibraahim ayaa eedaysanaha waydiiyay kiiska uu kusoo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ee jubbaland.
Ugu dambayntii gudoomiyaha maxkamada ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda isagoo sheegay in markale maxkamadu ay fadhi ka yeelan doonto eedaysanaha muqtaar cabdi aadan.