Masuuliyiin katirsan maamulka jubbaland ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay xerada ciidamada daraawiishta jubbaland ee kusugan degmadda baardheere ee gobolka gedo.
Booqashadaan ayaa waxaa hogaaminayay wasiir kuxigeenka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda jubbalad mayaas xirsi dheere oo uu wehliyo gudoomiyaha degmadda baardheere aadan muxumed axmed (dhagacade) iyo gudoomiye kuxigeenka degmadda.
Masuuliyiintan ayaa ciidamada ku bogaadiyay dedaalkooda geesinimada leh ee ay ufu jiraan difaaca diinta,dalka iyo badbaadada dadkooda,waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen taliska ciidanka doorka ay ku leeyihiin sugidda amniga magaaladda baardheere oo ay shacabka ku nool ka cabanayaan dhibaatooyin ka dhashay siyaasadaha muranka dhaliyay ee dowladda federaalka ay Gobolka ku waddo.
Intii ay booqashadu socotay masuuliyiinta ayaa ku dhiirageliyay ciidamada in ay sii wadaan dadaalkooda iyagoo ku amaanay howlgalada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasiloonida magaalada.
Booqashadaan ayaa muujisay sida jubbalad ay uga go,antahay taageerada ciidamada iyo kaalmaynta bulshada iyada oo loo marayo dadaalo lagu xoojinayo amniga iyo midnimada shacabka baardheere.