Gudoomiyaha degmadda doolow ee Gobolka Gedo maxamed xuseen cabdi lafeey ayaa maanta booqday mashaariicda iyo ceelbiyoodka laga hirgelinayo degmaddaas iyo deegaano hoosyimaada.
Mashruuca beeraha barakacyaasha oo loogu tala galay in ay ka maarmaan qoysaska barakacyaasha in hay,adaha ay ka sugaan kaararka raashinka iyo lacagaha maadaama deegaanka uu leeyahay dhul beereed balaaran oo lagala soo bixi karo dalaga.
Gudoomiye lafeey ayaa beeralayda ka dhagaystay warbixinta beeraha,caqabadaha ka haysta iyo taageerada ay u baahan yihiin.
Ugu dambayn gudoomiyaha ayaa kormeeray mashruuca biyo galinta degmaddaasi oo meel gabagaba ah maraya ayaa kula dardaarmay kambaniga gacanta ku haya ceelbiyoodka in la dardargeliyo shaqada.