Gudigga u qareemida maxaabiista iyo goobaha ay ku xiranyihiin ayaa waxaa maanta gaarsiiyeen xabsiga dhexe ee magalaadda kismaayo agabyo kala duwan oo isugu jira jiif iyo alaabta wax lagu nadiifiyo.
Guddigaan ayaa ah sida ay sheegeen kuwo isu xilqaamay in ay maxaabiista kala shaqeeyaan nadaafadooda iyo sidoo kale u qareemidooda.
Gudigga iyo agaasimaha waaxda xabsiyadda ee wasaaradda cadaaladda iyo qaybaha kala duwan ee guddiga gudoonsiiyeen masuuliyiinta xabsiga dhexe ee kismaayo agabyo kala duwan oo ay ugu tala galeen maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee kismaayo.