Wararka inaga soo gaaraya degmadda baardheere ee Gobolka gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in shalay maqribkii haweeneey ay gabar kale ku dishay biskoolad.
Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray raxmo axmed qaasin ayaa ahayd shaqaale guri ka shaqayso,mida wax dishayna waxaa adeer u ahaa ninka guriga iska leh kaasi oo lahaa bistoolada wax lagu dilay oo nooceedu ahaa teete.
Haweenayda dilka gaysatay oo lagu magacaabo faadumo caydiid hire ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska ee degmadda baardheere,waxaana laamaha amaanka ee degmadaas oo aanu lahadalnay inoo sheegeen in ay baaris ku wadaan.
Midka haweenayda la dilay ayaa isbitaalka degmadaas la geeyay.