Shacabka ku nool degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa maanta sameeyay banaanbax xoogan oo ay kaga soo horjeedaan askar horay ugu gaystay dhac kuwaas oo boobay qaar kamid ah ganacsatada sarifka isla markaana dukaamo ka qaatay taleefoonada gacanta.
Arintaas oo aan ilaa hadda la xalinin ayay saakay markale askat katirsan ciidanka dowladda federaalka ee dhawaan degmadaasi la geeyay waxaa ay weerareen nin ganacsado ah iyagoo isku dayay in ay dhacaan balse askar kale ayaa kasoo gaartay oo ka badbaadiyay.
Dadwayne caraysan ayaa isugu soo baxat wadooyinka degmadaas ayagoo ka cabanayay dhibaatooyinka soo laa laabtau ee loo gaystay ganacsatada deegaanka waxaana gabi ahaanba la xiray ganacsiga isku socodka magalaadaas.
Odoyaasha,ganacsatada,dhalinyarada iyo haweenka degmadaasi ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidanka in ay arintaan wax ka qabtaan oo ay talaabo degdeg ah ka qaadaan askartii falkaan ku kacday
Xaalada guud ee degmadda ceelwaaq ayaa hadda ah mid degan waxaana dib usoo laabtay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa magaalada waxaana weli dadka shacabka ah ka war sugayaan talaabada ay qaadaan madaxda iyo saraakiisha ciidanka xukunto.