Madaxwaynaha maamulka jubbaland axmed maxamed islaam madoobe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee maamulkaas, kaas oo lagaga hadlayay amniga,qulqulatooyinka ay dowladda federaalka ka abuurtay deegaanadda jubbaland oo ay kamid yihiin,xayiraada duulimaadyada shacabka,siyaasadaynta mashruucyda horumarinta iyo gargaarka,abaabulka dagaalka iyo colaadaha ay dowladda federaalka ka hurinayso deegaanadda jubbaland iyo qoddobo kale.