Waxaa maanta degmadda beledxaawo ee gobolka gedo lagu qabtay xaflad isugu jirtay dhiirigelin iyo latalin ardayda ka qalan jabisay dugsiyada saree e kuyaalo degmadda b/xaawo.
Munaasabadan oo isugu jiraty dhiiregelin iyo latalin ardayda sanadkaan qaadatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dusgiyada saree e dalka ee kusugan degmadda b/xaawo ee gobolka gedo ayaa waxaa soo agaasimay wasaarada waxbarashada ee heer degmo iyo gobolka ee maamulka jubbaland iyo maamulayaasha dugsiyada sare ee kuyaalo degmadda beledxaawo.
Waxaa xafladaan kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan sida maamulayaasha dugsiyada waxbarashada ee kuyaalo degmadda b/xaawo,ganacsatada degmada qaybaheeda kala duwan,madaxa arimaha bulshada degmadda iyo marti Sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada.