Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka soomaaliya xildhibaan cali yuusuf cali-xoosh iyo wafti uu hogaaminayay oo isugu jiro heer dowlad goboleed iyo heer federal ayaa maanta booqday deegaanka buulo xaaji oo dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda alshabaab.
Booqashada wasiirka waxaa qayb ka ahaa wasiiro katirsan maamulka jubbaland,qaybaha kala duwan ee maamuladda gobolka jubbada hoose iyo saraakiil ciidan.
Deegaanka buulo xaaji waxaa maleeshiyada alshabaab haysteen muddo 16 sano ah,waxaana xoreeyay ciidanka jubbaland iyo kuwa xoogga dalka,talaabadaan ayaa u gogol xaaraysa in deegaankaasi uu helo adeegyada dowladnimada.