Wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee maamulka jubbaland ayaa degmooyinka doolow,luuq iyo beledxaawo ka daah furtay tababaro kusaabsan xogta caafimaadka,xogta sahayda iyo saadka caafimaadka iyo tababar ku saabsan nafaqaynta carruurta ee isku dhafka ah.
Tababaradaan ayaa socon doono muddo shan maalin ah waxaa kasoo qayb galay shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee gobolka gedo.
Waxaa tababaradaan loogu tala galay in sare loogu qaado aqoonta iyo adeeg bixinta caafimaadka shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka gedo ee maamulka jubbaland.