Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha jubbaland oo kaashanaysa hogaanka rugta ganacsiga iyo warshada ,hay,adda tayo dhawra iyo waaxda caafimaadka ee Hay,adda Nabadsugidda ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay xogta raashin tayadiisu aysan wanaagsaneen oo ku kaydsanaa qaar kamid ah baqaarada ku yaala suuqyada magaalada Kismaayo.
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha jubbaland,gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ,saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa tagay mid kamid ah goobaha dabagal badan oo la sameeyay lagu soo ogaaday in uu yaalo bur badan oo tayadiisa ay xumaatay ka gadaal markii baqaar lagu kaydiyay kadibna albaabada loo laabay.
Ugu danbayn wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha jubbaland ibraahim xasan cabdi ayaa sheegay in ay shatiga Ganacsi kala noqonayaan goobtii ganacsi ee lagu arko wax dhacsan ama tayadiisu xumaatay.