Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka jubbaland ayaa galabta degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo waxaa ay ka daah furtay tartan ciyaareed loo qabanayo 16 kooxood oo kamid ah kooxaha heerka 1 aad ee degmadda b/xaawo ee gobolka gedo.
Munaasabada daahfurka ayaa waxaa goob joog ahaa isku duwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka jubbaland ee gobolka gedo haaruun dhaqane cabdulaahi,gudoomiyaha ciyaaraha gobolka gedo cabdulaahi cabka,gudoomiyaha dhalinyarada degmada nuune dhuumaal xuseen,gudoomiyaha ciyaaraha degmadda axmed cagayare iyo masuuliyiin kale.
Waxaa kulanka koowaad oo dhexmarayay kooxaha malkaariyeey iyo elman ay guusha 2-0 ku raacdau kooxda elman.
Masuuliyiintii kasoo qayb gashay kulanka ayaa u mahad celiyay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka jubbaland iyagoona ka codsaday in ay sii labbo jibaaraan dhiirogelinta dhalin yarada.