Wafti uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka maamulka jubbaland maxamuud sayid aadan ayaa goordhaw ka degay degmadda luuq ganaane ee Gobolka Gedo.
Waxaa waftigaan ay qayb ka yihiin wasiiro,xildhibaano ka kala tirsan dowladda federaalka soomaaliya iyo maamulka jubbaland waxaana garoonka diyaaradaha ee degmadaas kusoo dhaweeyay maamulka degmadda luuq,masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.
Ujeedka waftigaan balaaran ayaa ah sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedka dagaalka ku dhex maray degmadda luuq ganaane maalmihii u danbeeyay.