Waaxda caafimaadka ee ismaamulka mandheeraa ayaa maanta daawayn u sameeyay dameero ay shalay dhibaato kasoo gaartay qarax lagu soo qariyay gaari dameer kaasi oo shalay subax ka dhacay xadka u dhaxeeyo magaalooyinka beledxaawo ee gobolka gedo iyo magaalada mandheeraa ee gobolka waqooyi bari keenya.
Mid kamid dameeraha ayaa u dhintay dhaawaca kasoo gaaray qaraxa.
Qaraxaas waxaa ku dhintay hal askari oo keenyaan ah waxaana ku dhaawacmay labbo askari kuwaasi oo kamid ahaa askarta ilaalada xaduudka keenya iyo soomaaliya.