Taliyaha cusub ee saldhiga booliska degmadda luuq kornayl diyaad cabdi kaliil ayaa xilkii kala wareegay taliyihii hore labbo xidigle axmed cabdi xuseen garboolow oo loo badalay saldhiga degmadda b/xaawo ee gobolka gedo.
Munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay kornayl diyaad cabdi kaliil taliyaha saldhiga degmada ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka gobolka gedo,kan degmadda luuq iyo masuuliyiin kale.
Taliyihii hore ee saldhiga degmadda luuq L/xidigle axmed cabdi xuseen garboolow ayaa kula dardaarmay ciidanka booliska degmadda luuq in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan taliyaha cusub.
Taliyaha cusub saldhiga degmadda luuq kornayl diyaad cabdi kaliil ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in ciidanka booliska ay ka shaqeeyaan amniga degmadda isla markaana ay gacan bir ah kusoo qabtaan cid kaste oo carqalad ku ah nabad galyada deegaanka.
Gudoomiyaha degmadda luuq daahir muxumed nuur iyo sidoo kale gudoomiye kuxigeenka gobolka gedo cismaan nuux xaaji macalimoow ayaa ku amaanay taliyihii hore shaqada wanaagsan ee uu degmadda u qabtay.