Taliyaha guutadda tobnaad qaybta afartan iyo seddexaad ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee Gobolka gedo gaashaanle sare cismaan cabdi qorax oo maalmahaan kusugan degmadda baardheere ee Gobolka gedo ayaa saaka waxaa uu khudbad u jeediyay boqolaal ciidanka deegaanka ah kuwaasi oo loo diyaarinayo howlgalo ka dhan ah maleeshiyada kooxda al shabaab.
Waxaa uu taliyaha sheegay in muhiim ay tahay ka qayb qaadashada sugida amniga iyo in loo shaqeeyo bulshadda iyadoo laga ilaalinayo cid waliba oo diidan nabada iyo horumarka deegaanka waxaana uu ciidanka kula dardaarmay gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.