Wafti uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed sareeye guuto sulub axmed firin ayaa safar shaqo oo kooban ku tagay dalka maraykanka si ay ula kulmaan hay,adaha ka taageera booliska dhanka la dagaalanka argagixisada.
Inta uu joogay taliyuhu ayuu magaalooyinka newyork iyo Washington DC,shir kula qaatau madaxda hay,adahaas waxaana shirarkaas dhamaantood kusoo dhamaadeen kuwo miro dhal leh.
Taliyaha iyo waftigiisa ayaa sidoo kale soo booqday akadeemiyada FBI-da (FBI Academy in Contico) halkaas oo saraakiil ka socoto ciidanka booliisku ay tababar xirdahada booliiska ku soo qaadan doonaan mustaqbalka dhow.
Booqashada taliyaha ciidanka uu kutagay dalka maraykanka ayaa abuuraysa in maraykanka uu diyaar u yahay caawinta ciidanka booliska soomaaliyeed iyo sidoo ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada,wallow ay hadaba gacan buuxdo ka gaystaan dib u dhiska ciidanka booliiska gaar ahaan la dagaalanka argagixisada.
Ma ahan markii ugu horaysay ee taliyuhu tago carigaas iyadoo dhawr jeer ooh ore uu safar miro dhalay ku tagay ,taageeradaan ayaa laga dheehan jaraa howlaha ay ciidanki bulshada u hayaan.