Waxaa maanta ciidamada amniga degmada xudur ee xarunta gobolka bakool isku soo dhiibay xuseen madkeer ismaaciil oo mudo 4 sano ah katirsanaa kooxda alshabaab.
sarkaalkan ayaa maleeshiyada kooxda alshabaab u qaabilsanaa jabhada wuxuuna usoo adkaysan waayay dhibaatooyinka faraha badan ee kooxda iyo howlgalada ciiidamada xoogga dalka.
Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli katirsan maleeshiyada inay kasoo baxaan isla markaana isku soo dhiibaan dowladda soomaaliya ama maamulka koonfur galbeed.
Muddooyinkii u danbeeyay waxaa kordhay xubnaha katirsan maleeshiyaadka alshabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa maamulada kajira dalka.