Xildhibaan c/qaadir xuseen uurdoox,abaanduulaha qaybta 43 aad ee xoogga dalka g/sare cabdirashiid maxamed cismaan,taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo jeneraal Jamaal xasan sareey,taliyaha booliska gobolka gedo g/sare xuseen cali xaashi giif,taliyaha guutada 10 aad qaybta 43 aad ee gobolka gedo g/dhexe aadan sayid cabdi,taliyaha guutada 28 aad ee abuu cubayda gaashaanle cali waamo iyo maamulka degmadda luuq ayaa gaaray duleedka degmadda luuq oo ay ku sugnaayeen odoyaasha beesha macalin wayne.
Saraakiisha iyo xildhibaanka oo halkaas kula kulmay odoyaasha iyo waxgaradka beesha macalin wayne ayaa waxay kala hadleen sida ay muhiim u tahay in la gaaro xal degdeg ah iyo nabad waarta oo dhexmarta beelaha dagaalamay.
Si guud bilowga gogosha ayaa la isla qaatay dhowr qodob oo kala ah,
1.in xabad joojinta la,isla qaatay meesheeda in lagu sii adkeeyo,sidoo kalena lala shaqeeyo ciidamada amniga.
2.in dhinacyada usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo degmadda luuq laga dhigayo.