Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka soomaaliya ayaa maanta xildhibaanka iyo beesha macalinwayne waxay kala wareegeen ciidamo dowladda katirsan iyo maleeshiyaad hubaysan kuwaas oo ka qayb galay dagaalka ka dhacay degmadda luuq ee Gobolka gedo.
Abaanduulaha qaybta 43 aad,taliyaha nabadsugida gobolka gedo,taliyaha qaybta booliska gobolka gedo,taliyaha guutada 10 aad ayaa saraakiisha ciidamada waxaa ay kala hadleen in ciidamadaas dowladda lagu celin doono xeryaha ay katirsanayeen ee gobolka gedo.
Maleeshiyadka hubaysan ayaa iyagana lakala dirayaa ilaa ciidanka daraawiishta jubbaland laga aas-aasayo.
Ugu dambayn heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin madaxwayne kuxigeenka jubbaland,saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa la,isku raacay in wixii dhiman wada hadal lagu dhameeyo.