Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada,taliska qaybta dambi baarista booliska soomaaliyeed ee gobolka gedo iyo taliska saldhiga booliska soomaaliyeed ee degmadda beledxaawo ayaa maanta kulan ku yeeshay degmadda beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud gaar ahaan gobolka gedo qaasatan degmadda beledxaawo iyo sidii saraakiisha iskaga kaashan lahaayeen baarista dambiyada kala duwan iyo u adeegida bulshada ayaa waxaa qayb ka ahaa G/le cali maxamed dhaqane,taliyaha qaybta baarista dambiyada C.I.D ee gobolka gedo dhamme bilaal xasan,taliyaha saldhiga booliska ee degmadda b/xaawo L/xidigle cali muxumed daahir,saraakiil,saarkiil xigeeno iyo masuuliyiin kale.