Waxaa maanta degmadda baardheere ee gobolka gedo lagu qabtay munaasabad balaaran taas oo lagu soo bandhigay waxqabadka shirkadda daryeel cleaning agency.
Munaasabadaan oo lagu taageerayay hormarka iyo waxqabadka shirkada ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan maamulka degmadda baardheere,odoyaasha degmadda,ururada haweenka iyo dhalinyarada iyo waxgaradka deegaanka.
Daryeel cleaning agency oo ah shirkad csusb oo waxbadan ka qabatay nadaafad daradii ka jirtay degmadda baardheere ayaa howlgalisay shaqaalo iyo gaadiid ka shaqeeya nadaafada deegaanka.
Cumar maaxmed xuseen oo ah gudoomiyaha daryeel cleaning agency ayaa sheegay shirkadooda inay ka go,tahay wax ka qabashada nadaafada deegaanka waxaana uu sheegay in ay hawlgeliyeen shaqaalo gaaraya ilaa labaatan ruux,seddex kamid ah gaawida qashinja daabula iyo 3 mooto.
Cumar ayaa tilmaamay goobihii ay kajirtay nadaafad darida sida suuqyada,wadooyinka,xaafadaha iyo goobaha biyo fariisiga in ay wax wayn ka qabteen mudoo gaaraysa ilaa soddon maalin ah,isla markaana ay ka go,antahay dib usoo celinta bilicda magaaladda.
Masuuliyiin ay kamid yihiin maxamed-weli yuusuf qorax oo ah guddoomiyaha degmadda baardheere, maxamuud ibraahim fara-dheere oo ah madaxa arimaha bulshada degmadda,qureesho aaden cumar oo ah gudoomiyaha ururka ahweenka degmada iyo xubno kale oo ka hadlay munaasabada ayaa bogaadiyay waxqabadka daryeel cleaning agency waxayna balan qaadeen inay gacan ku siin doonaan howlaha shaqo ee ay u hayaan bulshadda deegaanka.